567 Views

Macalin maxamuud “Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo wan dagaalamaynaa.

Macalin maxamuud “Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo wan dagaalamaynaa.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah, ayaa arrimo badan uga hadlay wareysi khaas ah oo uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Mowduuca diiradda la saarayay waxa uu ahaa mowqifkiisa ku aaddan xaaladda Galmudug kaddib dagaalkii dhawaan dhex maray ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo la sheegay inay gacan ka helayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalkaas ayaa soo idlaaday kaddib markii xoogagga Ahlu Sunna ay ka baxeen magaalada Guriceel oo ahayd halka lagu dagaallamayay, waxaana wixii xilligaas ka dmabeeyay ay hoggaanka Ahlu Sunna sheegeen in qorshahoodu uu yahay “in ay sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay dadkooda iyo shacabkooda u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan,” sida uu BBC-da horay ugu sheegay madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna, Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ayaa isla arrintaas sii xoojiyay, isagoo qodobo kalena carrabka ku adkeeyay, una muuqday in waxyaabo badan ku dhaliilsan yahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug labadaba.

Waxaan eegeynaa Ilaa shan arrimood oo wareysiga guddoomiyaha Ahlu Sunna uu uga hadlay.

1- Weerar baa nalagu soo qaaday

Ugu horreyn, Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, balse waxa uu sheegay inuu ahaa “mid iyaga lagu soo qaaday”.

“Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ahaa. Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, dagaal ma billaabaan mana huriyaan. Marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdeenni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan iclaaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo ururkan argagixisada ah ee dalka ku faafay.

Waxaan eegeynaa Ilaa shan arrimood oo wareysiga guddoomiyaha Ahlu Sunna uu uga hadlay.

1- Weerar baa nalagu soo qaaday

Ugu horreyn, Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, balse waxa uu sheegay inuu ahaa “mid iyaga lagu soo qaaday”.

“Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ahaa. Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, dagaal ma billaabaan mana huriyaan. Marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdeenni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan iclaaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo ururkan argagixisada ah ee dalka ku faafay.

Sidoo kale, waxaa jiro warar sheegaya in taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, uu ka mid ahaa saraakiisha ku sugan maagalada Guriceel oo xiisad weyn ay ka taagneyd.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii guriceel ayuu Sheekh maxamuud sheegay “in mas’uuliyaddiisa ay leeyihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Galmudug oo wadajir ah”.

2- Waxaan dowlad ahayn 12 sano

Mar wax laga weydiiyay wararka sheegayay in madaxda Ahlu Sunna ay Guriceel u tageen ujeeddooyin ku saabsan sidii ciidamo iyo hub loo aruurin lahaa ayuu Sheekha sheegay in iyagu “ay dowlad ka yihiin halkaas”.

“Horta marka hore waxaysan dadku aqoonsaneyn in meesha aan joognay ay ahayd meel aan annagu dowlad ka ahayn 12 sano, muddadaas gudaheedana wax argagixiso la yiraahdo ma soo galin umana soo dhawaanin,” ayuu yiri.

Arrinta ku saabsan ciidan aruuriska ayuu ku tilmaamay “mid laga been sheegayo”.

“12-kaas sano dadkii meesha joogay ciidankoodii xagee buu jiraa? waxyaabaha laga been sheegayo waxaa ka mid ah ‘ciidan aruuris baad gasheen’, maxaa la aruurinayaa? meeshaba ciidankii aan annagu lahayn mooyee wax ciidan ah oo kale ma joogin,” ayuu yiri guddoomiyaha Ahlu Sunna wal Jamaaca.

3- Waan aqoonsan nahay maamulka Galmudug

 

Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhanka kale sheegay in Ahlu Sunna ay aqoonsan tahay maamulka Galmudug, balse waxa uu intaas ku daray: “Haddii aannaan aqoonsaneyn waxaan oo dhib ahba ma imaan lahayn. Waan aqoonsan nahay, waana caddeynay, laakiin ma aha maamulku hadduu noqdo mid ilaalinaya argagixiso. Markaas maamulnimadii ayuu ka baxayaa.”Hase yeeshee waxa uu si kulul uga hadlay su’aal laga weydiiyay sababta haddii ay aqoonsan yihiin maamulka Galmudug ay u tageen Guriceel iyagoo hubeysan.

“Guriceel waa gurigeennii, Dhuusamareeb waa gurigeennii, anigan kula hadlaya ayaa ku dhashay, Sheekh Maxamed Shaakir baa ku dhashay, xagey ka timaaddaa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaa? dowlad ma tahay marka horeba?”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waan hubeysneyn waligeenba, 12 sano ayaan joognay, oo aan hub heysannay, ma saakaa la billaabay? Annagu gurigeenni bana tagnay.”

4- Annaa u xil saaran la dagaallanka al-shabaab

Arrimaha cusub ee Sheekh Maxamuud uu wareysigan ku sheegay waxaa ka mid ah in Ahlu Sunna ay yihiin xoogagga kaliya ee gobollada dhexe u jooga inay la dagaallamaan al-Shabaab. Waxa uu ku gacan seyray in arrintaas ay tahay shaqo u taalla dowlad goboleedka Galmudug oo hoos tagta dowladda federaalka.

“Maya, uma xil saarna ayaga, annaga ayaa u xil saaran. 12 sano ka hor markaan u xil saarneyn xagee bay joogeen ayagu? Haddase, annagu markii aan ka saarnay, ciidankeennii soo laabtay isla saacaddiiba weerar baa laga hor gee

Dhinaca taageerada ayuu sheegay in aysan jirin cid garab ku siisay, haddii ay farsamo tahay iyo haddii ay dhaqaale tahay labadaba.

“Annagu dhaqaalaheenna waligeen jeebkeenna ayuu ahaa, jeebkeenna ayaan kala soo baxnaa. Dadka aan imaanka lahayn baa dhaha ‘dhaqaalaha qoladeen u doonannaa?’, annagu Ilaahay baan u doonannaa dhaqaalaha, asagaana na siiya, waana heleynaa, marka ma weyno dhaqaale.”

Waxa uu beeniyay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in ay taageero ka helaan dowladda Iiraan iyo maamul goboleedka Puntland, isagoo hadalladaasna ku tilmaamay kuwo lagu qoslo.

Ahlu sunna xagee ku dambeeyeen?

Mar uu ka jawaabayay isla su’aashaas oo lagu weydiiyay wareysiga ayuu Sheekh Maxamuud yiri: “Ahlu sunna guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yimid culimada Islaamka oo Ahlu Sunna Wal Jamaaca ah iyo dad madax ah.”

Mid ka mid ah ujeeddooyinka ay u baxeen ayuu sheegay inuu ahaa in waddada loo furo billaabashada wadahadal, “balse ilaa hadda aan la billaabin wadaxaajood”.

“Annagu ujeedadeenna waa inaan joogto gurigeenna, wixii aan daafici jirnay oo ah caqiido, dad iyo diin ah baana daafaceynaa, ninna ka baryi meyno haddey arrintu noocaas noqoto.”

Wadahadalka ayuu sheegay inay ku galayaan labo darajo oo kala ah inay yihiin “Ahlu Sunna iyo inay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha”.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay qorshahooda ku aaddan haddii uu dhici waayo wadahadal.

“Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post