1017 Views

Ciidamo badan oo la dhigay Wadooyinka Magaalada Garoowe

Ciidamo badan oo la dhigay Wadooyinka Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Puntland ayaa waxaa ay Ciidamo farabadan dhigtay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas,kuwaas oo howlgallo kala duwan ka sameynaya Xaafadaha Magaaladaas.

 

Ciidamadaan oo isugu jira Boolis iyo Millateri ayaa waxaa lagu arkayaa wadooynka iyo Xaafadaha Magalada Garoowe,waxaana mararka qaar ay fulinyaaan howlgallo gurguri iyo Shaqsi shaqsi ah.

 

 

 

Sababaha Ciidamadaan Puntland u geysay Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sugida Amniga Shirka 15 Bisha Maarso ee soo socota ka furmi doona Garoowe,kaas oo looga hadlayo Aayaha Dowlad Goboleedka Puntland.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse oo la hadlayay Ciidamada ayaa kula dardaarmay inay howlgalka sidii loogu talo galay u fuliyaan,isla markaana si wanaagsan ay ula dhaqmaan dadka Shacabka ah.

 

Si kastaba Magaalada Garoowe ayaa u diyaar garobeysa shirka ka furmaya 15 Bishaan kaas oo uu iclaamiyey Madaxweynaha Puntland,waxaana halkaasi laga dareemayaa u diyaar garoowgii ugu dambeeyey.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment