2649 Views

Belgium Oo Noqday Dalkii u Horeeyay Ee Safiir Haween ah u Magacaaba Dalka Sacuudiga

Belgium Oo Noqday Dalkii u Horeeyay Ee Safiir Haween ah u Magacaaba Dalka Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 —Dowladda Belgium ayaa noqotay dalkii u horeeyay ee Safiir Haween ah u magacaaba dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, tani ayaa ka dambeysay markii Sacuudiga uu bilaabay inuu qaado xayiraadii Haweenka ka saarnaa dhaq dhaqaaqyada siyaasadda iyo is dhex galka bulshada.

Warbaahinta Belgium ayaa qortay in Belgium ay u magacawday Sacuudiga Safiirkii u horeeyay oo Haween ah, waxaana uu noqonayaa dalkii u horeeyay oo reer galbeed ah oo Safiir Haween u dirsada Sacuudiga.

Dominique Mineur oo xilligan ah Safiirka Belgium u fadhiya dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in xagaaga soo socda ay u safarto magaalada Riyadh ee Caasimada Sacuudiga, si ay waraaqaheeda ugu gudbiso Boqorka Sacuudiga.

Tallaabadan ayaa la filayaa in Sacuudiga ka caawiso dadaalka ay ugu jirto in bisha April ee sanadka soo socda oo la qaban doono doorashada xubnaha Guddiga Xuquuqda haweenka ee Qaramada Midoobey.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhowaan u ogolaatay Haweenka wadista gaadiidka oo horay looga mamnuucay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment