1839 Views

Digniin loo diray Saraakiisha Ciidanka Asluubta

Digniin loo diray Saraakiisha Ciidanka Asluubta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa Saraakiisha Ciidamada Asluubta faray inay si wanaagsan ugu Shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay gutaan waajibkooda Shaqo.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Shaqooyika loo diray aysan wanaagsaneyn inay ceeb ka timaado,hayeeshee looga baahan yahay in lagu amaano Shaqadooda,waxaana Saraakiisha Ciidamada uu faray inay wadaniyad ku Shaqeeyaan.

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada Asluubta tira yar kaliya ay ka Shaqeeyaan inta kalena ay yihiin kuwo Askarta kale Shaqada ku fiirsanayo,waxaana uu sheegay in cidii aan Shaqada aan dooneyn ay isaga tagto ama ay Shaqadeeda qabsato, isaga oo Ciidamada iyo Saraakiisha uga digay inay ka gaabiyaan Shaqada loo igmaday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment