258 Views

Ergeyga Arrimaha Binu-aadanimada iyo Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Wasiir ka Tirsan Canada kala hadlay arrimaha Gurmadka Abaaraha

Ergeyga Arrimaha Binu-aadanimada iyo Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo Wasiir ka Tirsan  Canada kala hadlay arrimaha Gurmadka Abaaraha
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022


Ergeyga Arrimaha Binu-aadanimada iyo Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Horrumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada, Harjit Sajjan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Abaaraha iyo sidii Dowladda Canada u kordhin laheyd gargaarka la siiyo dadka ay saamaynta u geysteen Abaaraha.

“Harjit Sajjan oo ah wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada oo aan maanta Ottawa kulan ku la qaatay, ayaan kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxaan kaloo ka codsaday in ay nagala qaybqaataan, gaar ahaan dawladaha iyo hay’adaha ay xiriirka iyo saamaynta ku leeyihiin, sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka abaaraha” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post