1953 Views

C/Raxamaan C/Shakuur “Taliska Ciidanka Booliska waa in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo”

C/Raxamaan C/Shakuur “Taliska Ciidanka Booliska waa in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2018 –   Ka dib Markii Ciidamadii Nabad suggida gobolka Banaadir loo bedelay Boolis ka howlgali doona Muqdisho ayaa arintaasi waxaa ka falceliyay Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa dhaliilay Ciidanka Booliska iyo Nabadsuggida in aysan isku tababar aheyn,islamarkaana Ciidamada NISA aysan Boolis ahaan u shaqeyn karin.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in tilaabadaan ay dhabar jab iyo Sharaf dhac ku tahay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale uu tilmaamay in tilabadaan ay ka hor imaanayso dhismihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Talaabadani waxay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka (National Security Architecture), gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah (A Joint Policing Programme (JPP). Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas dabagal ku sameeyaan” ayuu Yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu diray baaqaan”Waxaan kaloo ugu baaqayaa Taliska Ciidanka Booliska in aysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment