750 Views

DFS oo ku adkeysaneysa in Shirka wadatashiga uu ka dhacayo Garoowe

DFS oo ku adkeysaneysa in Shirka wadatashiga uu ka dhacayo Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa weli ay ku adkeysaneysaa in Shirka wadatashiga doorashooyinka ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in lagu qabanayo Magaalada Garoowe, xilli Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo  Midowga Musharixiinta ay dalbadeen in lagu qabto Magaalada muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in baaqa uu Madaxweynaha uu tusaalo u yahay in lagu sii ambaqaado sidii dalka doorasho uga dhici laheyd laguna dhameystiro heshiiskii doorasho ee 17kii Setember.

Waxaa uu Wasiirka sheegay in maalmahaan ay soo baxayeen hadalo ku aadan in la bedelo Goobta uu dalbaday madaxweyne Farmaajo  in Shirka lagu qabto, waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in shirka lagu qabto Magaalada Garoowe.

Wsiir Dubbe waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in weli dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in la qabto shirar dambe oo looga hadlayo doorashoyinka dalka, hayeeshee hadallada so baxaya ay u arkan in lixdii Bilood ee la soo dhaafay sida loo hor-istaagnaa arrimaha doorashooyinka in weli la doonayo in loo joojiyo.

Lama oga waxaa uu ka bedeli doono Madaxda Pun tland hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe maadaama ay sheegeen in shirka aan lagala tashan, isla markaana ay dalbanayaan in lagu qabto Muqdisho.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post