900 Views

Caasimada Ukraine oo bandaw laga dhigay ayadoo duqeyn ay ku socoto

Caasimada Ukraine oo bandaw laga dhigay ayadoo duqeyn ay ku socoto
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

Dawladda Ukraine ayaa bandaw kusoo rogtay mar kale caasimada ah ee Kyiv halkaasoo duqeyn xoog leh ku socoto.

Duqa caasimada Ukraine ayaa sheegay in maanta dhismooyin ku yaala xaafadaha qaar ee Kyiv ay ku dhaceen gantaalo ay soo rideen diyaaradaha dagaalka Rushka.

Warbaahinta dawlada ayaa sheegtay in maanta ay willi duqeyn xoog leh ku socoto magaalooyin ay caasimada ku jirto.

Sadexdii cisho ee lasoo dhaafay ku dhawaad 30 kun oo qof ay ku barakaceen magaalooyinka Kyiv, Maribool iyo Kharkhiv.

Sidoo kale waxaa maanta mar kale kulmaya wakiilo ka kala socda dawladaha Ukraine iyo Rushka ayagoo sii wadi doona wadahadaladii nabadeed.

M/weynaha Ukraine ee Faladamiir Selanoski ayaa sheegay in dhigiisa Rushka uu dalbaday markaan in wada hadalka nabadeed lasii wado.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post