354 Views

Suuqyada xaafada islii oo Xiran maalintii labaad iyo Doorashada Kenya oo dib uga dhici karta waqtigii loo Cayimay

Suuqyada xaafada islii oo Xiran maalintii labaad iyo Doorashada Kenya oo dib uga dhici karta waqtigii loo Cayimay
____________________________________________________________________________

Arbaco:AUGUST 10, 2022

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ay marayso meel xasaasiya Doorashadii ka socotaya Dalka Kenya ee u dhaxaysay William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in ay doorashada ku dhawaaqisteeda ay gaarto ilaa Sabtida, Xili loo qorsheeyay in ku dhawaaqista Natiijada lagu dhawaaqo maalinta Bari ah oo khamiis ah.

Dhamaan goobaha Ganacsiga ee Kenya gaar ahaan Suuqa ugu wayn xaafada Somalida dagto ee islii ayaa xiran maalintii labaad oo shacabka Kenya u taaganyihiin in ay kala doortaan William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo lagu wado midkii soo baxa in uu badalo Madaxweynaha 10 sano soo maamulayay dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale goobaha ganacsiga iyo Suuqyada waawayn ee islii iyo Nawaaxigeeda oo Soomalida ka Ganacsato ayaa xiran. Waxaana Gudiga Ganacsatada suuqaas ay sheegeen in aan la furaynin Suuqyadaas ilaa lagaga dhawaaqo natiijada doorashada oo shaki badan laga qabo in ay ka dhacaan Qul qulatooyin siyaasadeed.

Dhinaca kale Natiijooyin horudhac ah uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadcad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay.

Amaanka xaafada islii ayaa ah mid iska caadi ah. Waxaana jira isku socodka dadka iyo gaadiidka meelaha qaar. Waxaana jirin Cabsi ka badan ku dhawaqista doorashada ka dhacaysa dalka Kenya oo u dhaxaysa William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Taageerayaasha William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa dhagta u taagaya saacadaha soo socda Natiijada hor dhaca ah oo soo baxaya meesha ay u bataan.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

Cabdixakiin441@hotmail.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post