2394 Views

Hay’adaha Cilmi Baarista Ee Jabuuti Iyo Somaliya Oo La Mideynayo

Hay’adaha Cilmi Baarista Ee Jabuuti Iyo Somaliya Oo La Mideynayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 —Shir ku saabsan mideynta Hay’adaha Cilmi baarista ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka furmay Magaalada Jabuuti,waxaana ka qeybgelaya dhamaan hay’adaha cilmi baarista ee Soomaalida.

Shirkaan oo ah mid sanadle ah waxa uu ka furmay wadanka Jabuuti, iyadoona ay ka qeyb galaan xubno uu kamid yahay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Siyaasiyiin Xilal dowladii dalka soo maray ka qabtay, iyo Xubno katirsan Dowladda Jabuuti ee Marti gelineyso Shirka.

Waxaana loogu magac daray (Shirka Aragti Wadaagga), xubnaha ka qeyb galaya ayaa laga talo galin doonaa ajandaha shirka.

Muumin Xasan Barre Wasiirka Diinta, awqaafta iyo dhaqanka ee Jabuuti oo shirka ku daah furay Marti gelinta dalkiisa ayaa sheegay in shirar badan ay u qabteen Soomaalida, waxa uuna tibaaxay in Natiijooyin Muuqda ay ka dhasheen.

Wasiirka qorsheynta iyo Maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa inta shirka uu socdo waxa uu soo bandhigayaa qorshaha maalgashiga soomaaliya iyo fursada dalka ka banaan.

Waxa uu kale ka qeyb galayaasha la wadaagayaa mowqifka dowladda, Hiigsiga fog iyo midka dhaw iyo sida Dowladdu ay u aragto qorshaha lagu gaarayo Maalgashiga Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay in la mideeyo Hay’adaha cilmi baarista Soomaaliya iyo jabuuti,sidoo kalena la gaarsiinayo dhamaan dhulka Soomaalida ee Bariga Afrika.

Jabuuti ayaa marti gelisa shirarka looga hadlayo Soomaaliya, waxaana ka qeyb gala Mas’uuliyiin ka kala socota labada dal waa Soomaaliya iyo Jabuutiyee.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment