1248 Views

Buundo dul marta Wabiga Tekeze oo ka mid ah gobolka Tigray oo la burburiyay.

Buundo dul marta Wabiga Tekeze oo ka mid ah gobolka Tigray oo  la burburiyay.
____________________________________________________________________________

Jimco: July 2, 2021

Buundo dul marta Wabiga Tekeze, oo ahayd marin muhiim u ah in cunno gargaar ah la gaarsiiyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Tigray ayaa la burburiyay.

Mr Roger Sandberg oo ka socda dhaqaatiirta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ku sugnaa buundada seddex saacadood ka dib markii la qarxiyay subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Tigray-ga.

Guddiga Badbaadinta Caalamiga IRC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka buundada. Waxayna sheegtay in gaarsiinta gargaarka cuntada ay ka sii dhib badnaan doonto sidii hore,

IRC waxay sheegtay inay aad uga xun tahay burburka waxayna intaas ku dartay inay sii wadi doonto baaqyada ay u jeedinayso dawlada Itoobiya ee ku aadan gargaarka bina’aadanimo ee aan xadidnayn ee ay la wadaagto gobolka Tigray..

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post