1476 Views

Madaxweyne Trump oo xaalad deg deg ah ku dhawaaqay

Madaxweyne Trump oo xaalad deg deg ah ku dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 16, 2019 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko.

Trump oo shir jaraa’id maanta qabtay ayaa sheegey in xaalad cakiran ay ka jirto xadka Mareykanka iyo Meksiko, ayna tahay in lala tacaalo.

Waxa uu sheegey in madaxweynayaal isaga ka horreeyay ay xaalado deg deg ah hore ugu dhawaaqeen, isaguna uun sidaasu sameynaayo.

Dimuqraaddiyiinta ayaa si weyn uga hor yimid go’aanka Trump, waxayna ku eedeyeen in uu madaxweynuhu uu abuurayo xaalado aanan jirin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment