1611 Views

In ka badan 10 qof oo qarax ku dilay Kenya

In ka badan 10 qof oo qarax ku dilay Kenya
____________________________________________________________________________

13 qof ayaa ku dhintay, halka ugu yaraan 31 kale ay soo gaareen dhaawacyo gubasho ka dib markii booyad shidaal ay ku qaraxday galbeedka Kenya, sida ay warisay Al jazeera.
Gaariga shidaalka waday  ayaa ku dhacay gaari kale taasi oo sababtay in shilkan uu halkaa ka dhaco, isaga oo ka dhacay meel u dhow magaalada Malanga, oo qiyaastii 315km waqooyi-galbeed ka xigta Nairobi.

Wadadaan ayaa ah mid aad u mashquul badan maadaama ay isku xirto wadamada Kenya iyo Uganda.
Charles Chacha, oo ah taliye booliis maxalli ah oo ka tirsan Gobolka Siaya oo ah halka uu shilku ka dhacay, ayaa yidhi, “Waxaan tiriyey laba iyo toban meyd ah goobta. Qof kale ayaa ugu dhintay isbitaalka dhaawac.
Kooxaha dab damiska ayaa goobta yimid labo saacadood kadib si ay u damiyaan dabka, halka kuwa ku dhaawacmay qaraxa loola cararay isbitaalka.
“Qaar kale oo badan ayaa loo qaaday isbitaal iyaga  oo aad u gubtay,  waxaana ku jira caruur yaryar,” ayuu yiri Chacha.
Sawirro ay baahisay warbaahinta Kenya ayaa muujinayay booyada oo holcaysa, iyada oo dad badan ay goobta soo gaareen.
Shilalka gawaarida ee waddooyinka halista ah kuma cusba Kenya iyo gobolka Bariga Afrika oo dhan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post