1047 Views

Ciidanka Somaliland oo qabtay Harimacad Sharci darro loo dhoofinayay

Ciidanka Somaliland oo qabtay Harimacad Sharci darro loo dhoofinayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, -2019 —Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa soo qabtay 12 Harimacad oo la doonayay in si sharci-darro ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland.

 

Axmed Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Somaliland ee howlgalkaasi fuliyay ayaa sheegay in dadka degaanka ay kusoo wargaliyeen in Harimacad laga dhoofiyo degaano ka mid ah Somaliland si sharci daro ah.

 

Saddex ka mid ah  Harimacadka ayaa dhintay intii lasoo waday ka dib markii laga soo furtay Kooxdii dooneysay in ay ka dhoofiso Somaliland.

 

Taliye Axmed ayaa sheegay in ay baxsadeen Raggii watay Harimadka, islamarkaana ay ku daba jiraan Ciidanka Somaliland.

 

Wasiirka Deegaanka Shugri Ismaaciil Baandare  ayaa horay u sheegtay in cidkasta oo loo soo qabto ganacsiga sharcidarrada ah ee Xayawaanada ay Maxkamaduhu siidaayaan taasna ay qatar ku tahay badbaadinta degaanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment