903 Views

Farmaajo & Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulan xasaasi ah yeeshay

Farmaajo & Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulan xasaasi ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 30-2020-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa uu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka & Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka isbedeladii dhacay iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay Madaxweynaha ka wada hadleen dhowr arrimood oo kala ah, Guud ahaan arimaha diyaasadeed iyo marxlada kala guurka ah ee dalka uu maraayo, Arimaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, wax ka qabashada Fatahaadaha kusoo noq noqday deegaanada Hir-Shabeelle oo dhibaabto ba’an ku haayo bulshada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka qeybna ka ahaa kulanka ayaa yiri” Madaxweynaha JFS iyo aniga iyo Gudoomiyaha Barlamanka Hirshabelle oo ka wada sheekeystay xaalada Dalka,hayeeshee uusan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayaa mashquul xoogan tan iyo markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay xilkii ka qaadeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana socda shirar looga hadlayo Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post