1050 Views

Dib u dhac ku yimid Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Maanta la qaban lahaa Muqdisho

Dib u dhac ku yimid Doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Maanta la qaban lahaa Muqdisho
____________________________________________________________________________


Sabti: December 18, 2021

 Gudiga Maamulayada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ay shaaciyeen in Maanta oo Sabti ah qabanayaan doorashada Afar kamid ah kurasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu so bandhigay liiska Kuraasta Maanta la dooranayo, iyada oo shalay la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Shanta Kursi.

Kuraasta Doorashadooda la qaqabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin,  HOP262, HOP229, HOP254 iyo HOP255, waxaana kuraastan horay ugu fadhiyay.

1: HOP262 Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

2: HOP229 Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale

3: HOP254 Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar

4: HOP255 Xildhibaan  Axmed Maxamuud Maxamed

Guddiga ayaa ku booriyay Goobjagayaasha iyo warbaahinta daneyneysa in ay xaadiraan doorashada in ay isasoo diiwaangaliyaan illaa maanta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post