279 Views

Qoraaga Salman Rushdi oo beelay il iyo gacan kadib weerarkii toorida loo adeegsaday ee lagu qaaday xilli uu ku sugnaa New York

Qoraaga Salman Rushdi oo  beelay il iyo gacan kadib weerarkii toorida loo adeegsaday ee lagu qaaday xilli uu ku sugnaa New York
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 24, 2022

Qoraaga lagu magacaabo Salman Rushdi ayaa beelay il iyo gacan kadib weerarkii toorida loo adeegsaday ee lagu qaaday xilli uu ku sugnaa New York bishii August, sida uu sheegay wakiilkiisa.

“ilaa 15 dhaawac ayaa xabadka kaga yaalla” ayuu yiri Andrew Wylie oo fadhigiisu yahay New York.

Wuxuu sidoo kale u sheegay wargeyska kasoo baxa Spain ee El País in “in weerarka lagu qoraaga u aha mid gurucan”.

Andrew Wylie ma uusan sheegin halka uu ku sugan yahay Salman Rushdie.

Bishii August ayay aheyd markii Salmaan Rushdie toori looga dhuftay xabadka iyo caloosha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Salmaan ayaa sanadkii 1988-kii daabacay buuggiisa muranka dhaliyay ee “Aayadaha Sheydaanka”, arrintaas oo ka careysiisay Muslimiinta, kuwaas oo u arkayay in qoraalkiisa uu yahay mid aflagaaddo ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post