387 Views

Rabshado ka dhacay Deegaan-doorashada magaalada Wajeer ee Kenya oo sababay in la hakiyo doorashadii halkaas.

Rabshado ka dhacay Deegaan-doorashada magaalada Wajeer ee Kenya oo sababay in la hakiyo doorashadii  halkaas.
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 9, 2022

Rabshado shalay ka dhacay Deegaan-doorashada Ceel-Dhaas oo hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sababay in la hakiyo doorashada Kenya ee halkaas ka qabsoomi lahayd maanta.

Booliska ayaa isku dayay inuu kala eryo dad isku soo-baxay oo shalay galab taayarro ku gubay bannaanka xarunta dhexe ee doorashada.

Rasaas ayaa xalay laga maqlayay gudaha magaalada Ceel-dhaas.

Ceel-Dhaas waxaa hoostagta 72 meel oo cod-bixin. Waa xarunta dhexe ee qalabka cod-bixinta looga daabbulo meelahaas kale, sidoo kalena waa xarunta lagu tiriyo codadka.

Hase yeeshee, dadka deegaanka ku sugan ayaa shalay is-hortaag ku sameeyay saraakiisha doorashada.

Tallaabadaas ayaa hakisay howshii sanaadiiqda iyo agabka kale ee doorashada lagu gayn lahaa meelaha loo cayimay.

Dadka careysan ee isku soo baxay ayaa ku eedeeyay mas’uulka guddiga doorashooyinka u qaabilsan deegaan-doorashada Ceel-Dhaas inuu taageersan yahay mid ka mid ah murashaxiinta xildhibaannada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post