969 Views

Kenya oo ka hadashay weerar ay Al-Shabaab ka geysteen Gobolka lamu

Kenya oo ka hadashay weerar ay Al-Shabaab ka geysteen Gobolka lamu
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axed    , March 22, 2020 —Xubno la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerareen Xarun ku taalla deegaanka Milihoi,halkaas oo ay ku sugnaayeen Shaqaalo u dhashay dalka Shiinaha oo dhismo ka waday inta u dhaxeysa Laamu ilaa Garsen,waxaana weerarkaas ka hadley bBooliska Kenya.

 

Wargeyska The Standard Media ayaa daabacey in uu jiro dagaal dhex-marey Ciidamada Kenya oo Shaqaalaha ilaalinayey in Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kaas oo aan weli la werin khasaaraha ka dhashay.

 

 

 

Taliyaha Boliska Gobolka Ceebta ah ee Laamu Moses Murithi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka ay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Shaqaalaha wadada dhisayey,isla markaan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah.

 

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey Taliyaha in ay xaqiijin doonaan Amniga Gobolka Laamu gaar ahaan Basaska Rakaabka oo dhowr jeer ay Al-Shabaab ku qaadeen weeraro khasaaro geystay.

 

Si kastaba Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay weeraro kala duwan ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooy Bari ee dalka Kenya

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment