399 Views

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan oo ka dhursugaya kulanka baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan oo ka dhursugaya kulanka baarlamaanka
____________________________________________________________________________

 

Sabti: April 9, 2022

Baarlamaanka Pakistan ayaanan weli qaban codka kalsoonida ee uu u qaadayay ra’iisul wasaare Imran Khan, arrintaas oo ay aheyd inay sameeyaan maanta oo Sabti ah.

Goor sii horraysay falal ay caro ku dheehan tahay ayaa ka dhacayay Baarlamaanka Pakistan kuwaas oo u dhaxeeyay taageerayaasha iyo mucaaradka ra’iisul wasaare Imran Khan, ka hor codka kalsoonida ee ninkaasi loo qadayo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay doodda baarlamaanka walow ay dooddu haatan dib u bilaabatay.

Khudbad xalay xilli dambe uu jeediyay ayuu Mr Khan waxa uu ku adkaystay inuu dhibbane u yahay mu’aamarad caalami ah oo uu soo maleegay Mareykanka – eeddaas oo ay Washington iska fogaysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post