855 Views

Muxuu yahay ujeedka Kenya ay ka leedahay Ciidamada Cusub ee Badda!

Muxuu yahay ujeedka Kenya ay ka leedahay Ciidamada Cusub ee Badda!
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Dowladda Kenya ayaa kordhisay Ciidankeeda Gaarka ah ee Badda xilli uu taaganyahay Khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee salka ku haya Muran badeedka u dhexeeya labadaan Dowladood ee horyaalla Maxkamada cadaaladda Aduunka ee Heeg (ICJ).

Ciidankaan gaar ah ee badda Kenya ayaa loo tababaray dagaalka badda iyo berriga kadib markii ciidamo badan oo kumaandoos ah lagu biiriyay si ay loo xoojiyo, sida uu qoray wargayska Afka dheer ee Daily Nation.

Ciidamadaan cusub ayaa dhawaan qalin-jebiyay, xaflad ka dhacday xerada ciidamada badda ee Kenya (Fleet Mkunguni), oo ku taal saldhigga ciidamada badda ee Mtongwe ee maamul goboleedka Mombasa oo ah xuduudda Soomaaliya iyo Kenya dhinaca Biyaha.

Kumaandooska ayaa qaatay tababar la xariira dhinacyada howlgallada oo ay kamid yihiin dhanka Badda, dagaalka dhulka iyo sidoo kale raadinta iyo samata-bixinta doomaha ku quusa gudaha badda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post