1050 Views

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo qaylo dhaan u dirsday EU

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky  oo qaylo dhaan u dirsday EU
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo ka hadlayay baarlamaanka Yurub isaga oo isticmaalaya videolink ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la aqbalo in uu xubin ka noqdo midowga Yurub.

Waxaa uu yiri “Waxaan u dagaalamaynaa xuquuqdeena,xoriyadeena, nolosheenna, waxaan u dagaalamaynaa badbaado, waana mid ugu sareysay ee dhiirigalinteena ah, laakiin waxaan sidoo kale u dagaalamaynaa inaan noqono xubin kamid ah midowga Yurub. Waxaan aaminsanahay in maanta aan qof walba tusnay waxa aan nahay. hadii aan anaga kusoo biirno Midowga Yurub aad ayuu u xoog badnaan doonaa – taasina waa hubaal. Waxaan cadeynay awoodeena, waxaana hubaal ah in ugu yaraan aan isku mid nahay,marka waa in aad caddaysaan inaad nala jirtaan oo aadan garabkeena ka bixi doonin.Caddeeya inaad run ahaantii tihiin reer Yurub oo markaas noloshu waxay ka adkaan doontaa dhimashada, iftiinkuna wuxuu ka guulaysan doonaa Mugdiga. Ha sareyso Ukraine!”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post