870 Views

Militariga Itoobiya oo shegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku taalla gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya.

Militariga Itoobiya oo  shegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku taalla gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya.
____________________________________________________________________________

Militariga dalka Itoobiya ayaa waxay shegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku taalla gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya.

Milatariga Itoobiya ayaa muddo toddobaadyo ah dagaal xooggan kula jiray xoogagga Tigrey.

Janaraal Xassan Ibrahim ayaa sheegay in Milatariga ay gacanta ku dhigeen Wikro, iyo magaalooyiin kale oo ku teedsan caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowoladda sheegtay inay bilaabayso “wajigii ugu dambeeyay” ee howlgalka Tigrey.

Boqollaal qof ayaa lagu soo waramaya inay ku dhinteen dagaalka, halka kumannaan qof lagu qasbay inay guriyahooda ka qaxaan.

Kulan uu shalay la qaatay ergo ka socotay midowga Afrika ayaa rai’sul wasaare Abiy Ahmed waxaa uu u sheegay in la dhowri doono badqabka dadka rayidka ah ee gobolka.

Balse lama soo hadal qaadin suurtagalnimada wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka.

Horey rai’sul wasaaraha Itobiya waxuu sheegay in militariga ay isku dayi doonaan inaysan waxyeelo u geysan dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Mekelle.

Magaalada Mekelle ayaa waxaa ku nool 500,000 oo qof islamarkana waxaa shacabka looga baaqay in guriyahooda joogaan.

Madaxda TPLF, ee gacanta ku haysa magaalada Mekelle, ayaa waxay wacad ku mareen inay dagaalka sii wadi doonaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhankeeda ka digtay suurtagalnimada dambiya dagaal, haddii militariga Itoobiya ay weeraraan magaalada Mekelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post