735 Views

Maxaa loo bartilmaameedsadaa Soomaalida Koonfur Afrika xilliyada ciidda masiixiga..

Maxaa loo bartilmaameedsadaa Soomaalida Koonfur Afrika xilliyada ciidda masiixiga..
____________________________________________________________________________

 

Qaar ka mid ah Soomaalida ku ganacsata waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegay in waqtigan uu dalkaas ku jiro dabaaldegga ciidda Masiixiga ay wajahayaan weerraro qaar ka mid ah dadka deegaanku ay ku soo qaadayaan.

Waxa ay sheegeen in marka waqtigan la gaaro ay soo foodsaarto cabsi la xiriirta dilalka iyo dhac ay sheegeen in lagu beegsado dadka ajaanibta ah ee halkaas ganacsiyada ku leh. Falalka ugu badanna waxa ay ka dhacaan qaar ka mid ah tuulooyinka fogfog ee dalkaas.

Haddaba Cabdalla Xuseen Xasan waxa uu ka mid yahay Soomaalida ku ganacsata magaalada Durban ee dalka Koofur Africa, khadka taleefanka ayuu ugu warramay weriyahayaga Kowthar Maxamed Cabdullaahi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post