999 Views

Antonio Guterres oo ugu baaqay Mareykanka inay qaado cunaqabateynta saaran Iran

Antonio Guterres oo  ugu baaqay Mareykanka inay qaado cunaqabateynta saaran Iran
____________________________________________________________________________

Khamiis: Luliyo 1 2021

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inay qaado cunaqabateynta saaran waddan Iran, ayna labada dal dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii.

“Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yiri Guterres warbixin ay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodeen Arbacadii.

Guterres ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaallada dhowaanahan socday ee diblomaasiyadeed ee ay labada dhinac dib ugu soo nooleynayaan heshiiskii Nukliyeerka, kaasi oo ku sigtay in uu bur-buro kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskaasi bishii May ee 2018-kii, uuna cunnaqabateyno dib u saaray Iran.

Iyadoo taas ka jawaabeysa, ayay Tehran dib u anba qaadday howlaheedii kobcinta Nukliyeerka, iyadoo July sanadkii 2019-kii jebisay heshiiskaas oo ay kor u dhaaftay xadadka kobcinta kiimikada iyo heerarka kaydinta ee uu dhigayay heshiiskaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post