1572 Views

SAWIRO: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulamo ka wadda Sacuudiga

SAWIRO: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulamo ka wadda Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta la kulmay madaxwayne ku-xigeenka bangiga horumarinta Islaamka, Mansur Muhtar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhaqaalaha iyo dadaaalka xooggan ee madaxda qaranku ugu jiraan in dhaqaalaha dalku uu heer sare gaaro.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wassiirrada maaliyadda iyo xannaannada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa horay gudaha dalkaasi Sucuudiga kulamo kala duwan kula qaatay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo madax ka ah hay’ado kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment