879 Views

Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir oo ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad

Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir oo  ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad
____________________________________________________________________________

Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii saddexaad uu qaaday maamulka gobalka Banaadir.

Guud ahaan waxaa imtixaanka u fariistay 26,860 Ardey oo ka kala socotay 590 iskuul oo kamid ah dugsiyada gobolka.

Sida uu shaaciyay Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 24,443 Arday oo ka dhigan 91%, halka tirada hartay ay gaareen 2,417 oo ka dhigan 9%.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Caasimada Cumar Filish ayaa munaasabaddii lagu shaaciyey natiijada ka sheegay “Ardayda Waxbarashadda kujira waa in waaladiinta dabagal ku sameyaan sidoo kale caqabadaha kajira Waxbarashadda waxaa kamid telefoonada smartphone-ka oo ay kadawadan muuqaalo sida TikTok, YouTube iyo Facebook oo dhibaato kuhaya ardayda”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post