621 Views

Beesha Caalamka oo ka digtay in uu baaqdo shirkii uu iclaamiyay Farmaajo

Beesha Caalamka oo ka digtay in uu baaqdo shirkii uu iclaamiyay Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 13 2021–Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo Shirka la filayo in 15-ka Bishaan uu u furmo Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.

Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku taageereen shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro shirrakii doorashooyinka ee magaalada dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inaysan aqbaleyn in cudur daar lag dhigto oo uu shirka u baaqdo khilafka kajira halka lagu qabanayo shirka, waxaana ay ugu baqeen Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada inay si deg deg ah u xaliyaan muranka doorashada.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka.

Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post