1953 Views

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 29, 2018 –  Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka.

“Waxaan marka hore Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa la soo xiri doonaa beri waxaana Madasha ka soo bixi doona War-murtiyeed.

.shirka-dastuurka-maamulada-4 shirka-dastuurka-maamulada-5 shirka-dastuurka-maamulada-6 shirka-dastuurka-maamulada-2 shirka-dastuurka-maamulada-1 shirka-dastuurka-maamulada-3

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment