720 Views

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo gaaray Magaalada Qardho

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo gaaray Magaalada Qardho
____________________________________________________________________________

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobleedka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyo wafdi uu hoggaminayo  ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Magalada Qardho ayaa waxaa  Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin isugu jira, Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiil madaxtooyo, maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Ujeedada safarka Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu u tegay magaalada Qardho ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi kaga qyeb geli doono munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo dhowaan laga qaban doono.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobleedka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Mamulka degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post