6498 Views

Qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxweynanimada Soomaaliya oo kulan la qaatay Micheal Keatig

Qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxweynanimada Soomaaliya oo kulan la qaatay Micheal Keatig
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | July 27, 2016 – Kulan saacado qaadatay ayaa ku dhex maray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya qaar ka mid ah musharaxiinta Xilka madaxweynanimo ee Soomaaliya iyo Ergayga qaradamada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Musharaxiinta ayaa kala hadlay Ergayga qaabka ugu haboon ee waqtiga loo kordhin karo mar hadii aysan muuqan in xiligii uu ku  ekaa hay’adaha dowlada uu gabaabsi yahay, si looga hortago ku darsaho waqti dheer ah, taas oo ay isku dayayaan madaxda dowladu, waxaan ergaygu sheegay in waqti kordhintu aysan noqon doonin mid furan balse lagu jaangooyn doono ka hor dhamaadka sanadkaan.

Dhinaca kale Musharixiinta ayaa cabasho ka muujiyey qaabka loo magacaabay gudiyada doorashooyinka oo ay ka  muuqata isku dheeli tirnaan la’aan, waxayna soo jeediyeen in qaabka ay wax u socdaan laga dhig mid loo wada dhan yahay una siman yihiin dhamaan musharaxiinta u tartamaysa xilka ugu sareeya dalka.

Musharixiinta ayaa soo jeediyeen talooyin ku aadan qaabka looga hortagi karo musuq maasuq loo adeegsanayo doorashada soo socota, iyo habka ugu wanaagsan oo looga hortagi karo in ay dhacdo wax isdaba marin, waxayna ku booriyeen beesha caalamku iney si hoose ula socoto talaabooyinka ay dowladu uga hortagayso kulamada musharaxiinta ay ku yeelanayaan dalka gudihiisa.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay, Cabdinaasir Cabdulle, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Cabdullahi Cilmooge, Cali Xaaji Warsame, oo dhamaantood u taagan tartanka xilka madaxweynanimada Soomaaliya.

.
.
.
.
__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment