603 Views

Al-shabaab oo Dagaal ku qaaday degaanka Bariire

Al-shabaab oo Dagaal ku qaaday degaanka Bariire
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal kulul oo dhex maray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-shabaabg.

Dagaalkan ayaa dhex maray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxa uuna  ka dhacay degaanka Bariire oo kamid ah degaannada hostaga degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Bariire, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Dadka deegaanka saxaafada u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ,isla markaana ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro farabadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post