804 Views

Jubbaland oo ka shirtay fulinta heshiiskii doorashada

Jubbaland oo ka shirtay fulinta heshiiskii doorashada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 22|  2020—Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horeyn golaha warbixin ka siiyey xaaladda Siyaasada iyo Amniga guud ee deegaanada Jubbaland, isaga oo sheegay in Amniga uu yahay mid wanaagsan.

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay fulinta heshiisyadii doorashooyinka oo ay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen shirkii Muqdisho.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiiradda looga hadlay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow, waxaana goluhu ay ku bogaadiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo ku guuleysatay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la isla gartay in golayaasha deegaanka ee degmooyinka kalena sidaa loo dhiso si shacabka loogu daadajiyo awoodda maamulka.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada looga hadlay hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo maxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post