1014 Views

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Dhuusamareeb

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado  , March 10, 2020 —Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay Xarunta Ciidanka Xoogga Qeybta 21 aad ee Dhuusomareeb,waxaana uu u dhaxeeyey Ciidamo ka kala tirsan Millateriga & Nabadsugida Soomaaliya.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dambeeyey,kadib markii Ciidanka Millateriga ay diideen in lala raro Xaruntooda 21aad oo la qorsheynayay maanta in laga dhagaxdhigo Xarunta cusub ee Madaxtooyadda Galmudug loona wareejiyo Ciidanka Xoogga goob kale.

 

 

 

Dagaalka dhex-maray labada Ciidan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen laba askari halka qof kale oo Shacab ahaa uu ku dhaawacmey sida uu sheegay mid kamid ah dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb.

 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa qorshuhu ahaa in uu Xarunta qeybta 21aad uu ka dhagax-dhigo Xarun Xarun Cusub ee Madaxtooyada Galmudug.

 

Wararkii ugu dambeeyey aan ka helayno Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada Xerada Ciidanka qeybta 21aad ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Millateriga oo horay u deganaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment