597 Views

Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag

Xabad joojin hor dhac ah oo laga gaaray Colaadii Saaxo Maygaag
____________________________________________________________________________

khamiis: January 6, 2022

Xabad joojin hor dhac ah ayaa laga gaaray Colaaddii deegaanka Saaxa Maygaag oo ay ku dagaalamaeen Beelo walaalo ah oo halkaasi wada daga .

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo oday dhaqameed kala duwan oo u hoyanaya deegaankaasi habeenki 3aad ayaa ku guulaysatay inay labada dhinac ku qanciyaan xabad joojin horudhac ah, wadahalna la’isugu yimaado si loo dhammeeyo xaalada colaadeed.

Wajiga labaad ee arintan ayaa lagu wadaa inay noqoto kala qaadista ciidamada iyo wada hadal si toos ah u dhex mara dhinacyada ayna garwadeen ka yihiin Madaxwayne ku-xigeenka Puntland iyo Bahda dhaqanka oo iskaashanaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post