600 Views

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo aad uga carooday Dilkii Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga oo Al-shabaab Qarax shalay ku dileen..

Madaxweyne Cali Guudlaawe  oo aad uga carooday Dilkii Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga oo Al-shabaab Qarax shalay ku dileen..
____________________________________________________________________________

April 18- 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa aad uga carooday Dil shalay loogu geestay Gobolka Sh.dhexe Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa uu sida aadka ah u aaminsanaa Guudlaawe.

madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiraanyo leh u diray ehellada, qaraxaada, asaxaabta iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu marxuumkaka baxay, isaga oo sidoo kale u rajeeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa amray laamaha ammaanka inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan falka lagu dilay sarkaalkaas oo ka howl-galayey Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow iyo ciidamo oo watay ayaa qarax miino lagula eegtay deegaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post