882 Views

Qatar oo sheegtay inay $500 milyan ku bixin doonaan dib u dhiska Gaza

Qatar  oo sheegtay  inay $500 milyan ku bixin doonaan  dib u dhiska Gaza
____________________________________________________________________________

May 27 2021

 Qatar ayaa Arbacadii ku dhowaaqday inay $500 milyan ku bixin doonto dib u dhiska Gaza, kadib markii magaalada ku taalla Falastiin ay burburiyeen duqeymo ay Israel ku wadday 11 maalmood oo xiriir ah.

“Dowladda Qatar waxay ku dhowaaqeysaa $500 milyan oo ah taageero dib loogu dhisayo Gaza,” waxaa sidaas soo tweet gareeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

Qatar waa taageere muhiim ah oo ay leedahay Kooxda Xamas ee maamusha Marinka Gaza.

Lacagtan ayaa looga dan leeyahay inay caawiso dadka Gaza “ee wajahaya caqabadaha ka dhashay weerardii Israel ee dhowaa, ayna kaalin ka gaysato dib u dhiska goobaha adeegyada ee Gaza…taasi oo ay sii dheer tahay guryihii la burburiyey”, waxaa sidaas tiri wakaaladda wararka rasmiga ah ee Qatar ee QNA.

Duqeymaha Israel ee Gaza ayaa billowday 10-kii May kadib rabshado ka dhacay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus oo keenay inay Xamas gantaallo ku tuurto Israel.

Weerarada oo socday 11 maalmood ayaa Gaza ku dilay 254 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 66 caruur ah, waxayna dhaawaceen in ka badan 1,900 oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

Dhinaca kale, gantaallo ay Xamaas ku garaacday Israel ayaa galaaftay nolosha 12 qof oo ku noolaa Israel, oo uu ku jiro qof Hindi ah iyo Laba qof oo kasoo jeeday Thailand oo shaqo u joogay, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka. Qiyaastii 357 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Waxaa hadda socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo ay ka shaqeysay Masar.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post