1179 Views

Hanti-dhowraha Qaranka oo sheegay in Warbixintii uu soo saarey laga been sheegay

Hanti-dhowraha Qaranka oo sheegay in Warbixintii uu soo saarey laga been sheegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa sheegay in Warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedkii 2018 si qaldan loo dhigey lagana been sheegay.

 

Shir Jaraa’id oo uu Maanta Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayuu sheegay in Warbixintii uu soo saaray dad dano gaar ah leh ay sigaar ah u fasireen,hayeeshee aysan ku jirin lacago la lunsaday.

 

Waxaa uu dadka qaarku dhaliilay in warbixinta aysan u akhrin sidii loo baahnaa,isaga oo ugu baaqay Warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed  inay dhameystirtaan.

 

“Adduunka oo dhan ayay ka jirtaa markii warbixinada noocaan oo kale ah la soo saaro in si qaldan loo fasirto lagana faa’iideysto,waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed & Warbaahinta inay warbixinta akhristaan ayan dhameystaan ayuu yiri” Hanti-dhowraha Qaranka.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah looga baahan yahay inay ka faa’iideysato warbixinta uu soo saaray ham maamulka Maaliyadda dalka.

 

Warbixinta uu shalay soo saaray Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa saacadihii la soo dhaafay siweyn loo hadal haayey,hayeeshee uu sheegay in si kale dad u fasireen kana dhigeen in lacago la lunsaday.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment