1008 Views

Aadan Barre” Kenya iyo Jubbaland waxaa ka dhaxeeya xiriir gaar ah”

Aadan Barre” Kenya iyo Jubbaland waxaa ka dhaxeeya xiriir gaar ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October12 -2019 —Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada ka socda dowladda Kenya ee ka qeyb galaya Xafladda caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedyadda Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Kenya iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo xiriir gaar ah.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan Ammaanka Xadka ay wadaaggaan labada dhinac.

 

 

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Kenya ay hambalyo u dirayso Madaxweynaha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo si wanaagsan uga shaqeeyay Ammaanka Xadka Jubbaland iyo Kenya.

 

” Jubbaland iyo dowladda Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo aad u wanaagsan oo ku aadan wada shaqeynta dhanka Ammaanka, waxaana hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jubbaland” ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

 

Waxaa uu tilamaamay in Jubbaland ay muhiim u tahay Ammaanka Qaranka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment