906 Views

Wiil dhalinyaro ah oo Dhusamareb ku geeriyooday asaga Ciyaarayey kubad

Wiil dhalinyaro ah oo Dhusamareb ku geeriyooday asaga Ciyaarayey kubad
____________________________________________________________________________


Axad January 3, 2021

Wararka ka imanaya magaala Madaxda  Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe gudaha magaaladaasi uu ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah, xilli uu ciyaarayey kubad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaxye Maxamed, waxaana da’diisa ay aheyd 14 sano jir, sida ay sheegeen ehelladiisa oo meydka ka qaaday halkaasi.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegay in uu marxuum Yaxye Maxamed u dhintay wadno xanuun deg deg ah oo ku soo booday, intii ay socotay ciyaarta kubadda cagta ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post