594 Views

Dufaan boor wadata oo Iiraan ku kallifay iney goobaha waxbarashada albaabbda isugu dhufato

Dufaan boor wadata oo Iiraan ku kallifay iney goobaha waxbarashada albaabbda isugu dhufato
____________________________________________________________________________


Isniin:July 4, 2022

Duufaan boor wadata oo ku dhufatay magaalada Tehran ayaa dowladda Iiraan ku kallifay iney Isniinta maanta ah gabi ahaanba albaabbada isugu dhufato iskullada, jaamacadaha iyo xafiisyada dowladda.

Sida oo kale gobolka Alborz oo ay dufaantaasi saameysayna waxay qaadeen tallaabbo taa la mid ah.

Boorka Duufaanta ka dhashay ayaa sababtay wasakheysiga hawada iney gaarto halkii ugu sarreeyey.

Duufaan tan la mid ah dalka Iiraan waxay ku dhufatay 25-kii Bishii May ee sanadkan.

Waddamada Ciraaq, Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya waxay sida oo kale sanadkan la kulmeen dufaan tan la mid ah inkasta oo heerkeeda uu gaarsiisneen tan ku dhufatay Iiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post