861 Views

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay ugaarsanayso TPL

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay ugaarsanayso TPL
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeeda militarigu ay Fallaagara Tigreega ka sifaynayaan gobollada Waqooyiga dalkaas ku yaal ee Amxaarada iyo Canfarta, oo xuduud la leh goblka Tigray.

Afhayeen dowladda u hadashay oo lagu magacaabo Billene Seyoum, ayaa ku gacan sayrtay warkii ka soo baxay TPLF ee ahaa in deegaannadaas ay isaga bexeen rajo ka qabaan in xad joojin la gaaro awgeed. Waxayna sheegtay ciidamada federaalka iyo xulufadoodu ay guulo isdaba jog ah gaareen.

Tigreega aya sheegay in dowladdu ay sii waddo duqaymaha ay samaysanyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo iska dhaga tiraysa baaqyada ku aaddan in colaadda la soo afjaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post