897 Views

Netanyahu oo wacad ku maray Israa’iil sii wadeyso duqeymaha ay ugu jawaabeyso gantaalaha looga soo ridayo Qaza

Netanyahu oo  wacad ku maray Israa’iil  sii wadeyso duqeymaha ay ugu jawaabeyso gantaalaha looga soo ridayo Qaza
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray Israa’iil iney sii wadeyso duqeymaha ay ugu jawaabeyso gantaalaha looga soo ridayo Qaza, xilli dagaalka Qaza uu galay maalintii toddobaad.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen duqeymaha ay diyaaradaha Israa’iil ay subaxmnimada saaka ka fuliyeen Qasa iney ku dileen ugu yaraan 3 qof.

Maleeshiyaadka Falastiin gantaallada ay ku soo rideen Tel Aviv, waxay sababeen iney shacabka magaaladaasi ay gantaallada meela gabbaad ah ka galaan.

Beesha caalamkana waxay ku baaqeysaa in la joojiyo iskudhacan sii xoogeysanayo

Talaadadina madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo taleefan kula hadlay Netanyahu iyo Madaxweyne Maxamuud Cabbaas wuxuu u sheegay walaaca uu ka qabo xiisadda halkaasi ka aloosan.

Maanta oo Axad ahna waxaa la filayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu arrintan kulan ka yeesho.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen tani iyo Isniinti marki uu iskudhacan billawday ugu yaraan 148 qof in Qaza lagu dilay, Israa’iilna waxay sheegtay in dagaalkaasi looga dilay 10 qof oo ay laba carruur ku jiraan.

Israa’iil waxaa kale oo ay shegtay dadka lagu dilay Qaza inay ka mid yihiin tobannaan maleeshiyaadka Falastiin ka mid ah halka ay saraakiisha caafimaadka Falastiin sheegeen dadka Qaza lagu dilay 41 ka mid ah iney carruur yihiin.

Netanyahu oo ah Telelifishiinka farriin ka gudbiyey wuxuu sheegay weerarrada iney sii wadayan ilaa laga xaqiijinayo wax kasta oo suragelinaya in la yareeyo waxyeellada dadka rayadka ah soo gaarta.

“Cidda iska horimaadyadan socda u sababta ah anagu ma nihin, waa kuwa annaga na weeraraya” ayuu yiri.

Siduu dagaalkn sii fiday Sabtidi?

10 qof oo hal qoys ka wada tirsan oo ku sugnaa xera qoxooti oo ku taalla Qaza ayaa ku dhimatay duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil geysteen.

Qoyska dhanba waxaa ka badbaaday wiil yar oo lagu magacaabo Cumar Al-Haadi oo shan bilood jir ah, balse waxaa duqeynta kaga geeriyooday hooyadii, afar walaalahii ah, habaryartii iyo afar ay ilmo adeer yihiin.

Ilmaha yar aabbihii Maxamed Al-Xadiidi xilligaasi guriga kuma sugneen. “Halkan wax gantaala ah ma yeelin waxaa joogay oo keli ah carruur iyo dumar, carruur yaryar oo si nabad ah ciidda ugu dabbaal dageysay, maxay galabsadeen carruurtan in sidan loo galo?” ayuu yiri mar uu u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhakhtar Cumar dabiibay wuxuu sheegay: “Xaaladdiisu wey adag tahay. Lafta bowada ayaa jabtay jirkiisa oo dhanna dhaawacyo ayaa soo gaaray laakiin ilaahey mahaddii daryeel loo fidiyey kaddib hadda xaaladdiisa wey deggan tahay.

Mulitariga Israa’iil waxay sheegeen Maleeshiyaadka Falastiiniyiinta 278 gantaal oo ay ka soo gameen Qaza iney ku dhaceen magaalooyinka Koonfurta Israa’iil ku yaala ee Ashdod, Beersheba iyo Sderot.

Gantaalladaasi intooda badan uu ka hortagay habka difaaca gantaallada ee Israa’iil.

Gantaal ku dhacay waddada Ramat Gan oo ku xaafad xaafad ka mid ah tel Aviv, waxaa ku dhintay hal nin, xilli uu firirka gantaalka gurigiisa ugu tagay.

Dhismaha ku burburay Qaza maxaa ka dhacay?

Diyaaradaa Israa’iil ayaa Sabtidi duqeeyey dhismaha Qaza Tower oo xafiis u ahaa warbaahin kala duwan oo ay ka mid yihiin Al-Jaziira iyo AP.

Militariga Israa’iil oo duqeyntaasi kaddib bayaan soo saaray waxay xaqiijiyeen iney diyaaradahooda burburiyeen dhismaha Qaza Tower oo ku yaalla Qaza oo ay sheegeen inuu yaallay ‘agab miltari’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas gabbaadna ay ka dhiganayeen. Hase yeeshee mulkiilaha dhismaha ayaa eedda Israa’iil beeniyey.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Atonio Gutteres wuxuu sheegay inuu si aad ah uu uga naxay duqeynta dhismahaasi loo geystay.

“Xoghayaha wuxuu dhinacyada dagaallamaya uu ugu baaqay iney ka waantoobaan iney bartilmaameedsadaan dadka rayadka ah iyo xafiisyada warbaahinta taasoo uu sheegay iney ka horimaneyso shuruucda caalamka sidaa darteedna ay mudan tahay in laga fogaado,” ayuu yiri afhayeen Mr Gutteres.

Wakaaladda wararka ee AP waxay sheegtay dhismaha in si xun loo burburiyey saacad un kaddib marki ay Israa’iil dadka ku amartay iney halkaasi ka baxaan.

Madaxweyne Biden muxuu taleefanka ku sheegay?

 

Aqalka cad ee Mareykanka wuxuu sheegay Madaxweyne Biden inuu Ra’isal wasaare Netanyahu uu u sheegay dalkiisu inuu sii wadayo taageerada ah iney Israa’iil xaq leedahay iney isdifaacdo.

Wuxuuna muujiyey walaalaca uu ka qabo dhimashada labada dhinac ee sii kordheysa iyo burbruka dhismaha loo geystay isaga oo ku baaqay in wariyeyaasha marweliba la ilaaliyo.

Mr Biden wuxuu sida kale marki ugu horreysay uu taleefan kula hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas wuxuuna u sheegay iney ka go’an tahay inuu sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee Mareykanka iyo Falastiin ka dhaxeeyo.

Wuxuu sida oo kale sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo gantaallada Xamaas uu ku soo ridayo Israa’iil.

Madaxweyne Cabbaas uu fadhigiisu yahay Daanta Galbeed ee la haysto, awood badan kuma laha Qaza, oo uu gacanta ku hayo ururka Xamaas. Balse Mareykanka lama hadlin Xamaas maadaamaa uu u arko urur argagaixiso.

Biden wuxuu madaxda uu taleefanka kula hadlay uu u sheegay dalkiisu inuu raadinayo xal horseedi karo laba dowladood oo simanin la helo si colaaddaasi loo soo afjaro.

Ergeyga Mareykanka Hady Amir oo gaaray magaalada Tel Aviv wuxuu wadahadal la yeeshay Israa’iil, Falastiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan qaramada midoobay isaga oo sheegay in loo baahan yahay “degganaansho waarta”.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post