846 Views

Yuusuf Dabageed oo eedeyn u jeediyay Rooble & Guddiga FEIT

Yuusuf Dabageed oo eedeyn u jeediyay Rooble & Guddiga FEIT
____________________________________________________________________________


khamiis: April 14, 2022

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si kulul ugu eedeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Gudddiga doorashooyinka ee FEIT, ayaa sheegay inay caqabad ku yihiin hanaanka doorashada iyo guud ahaan hormarka dalka.

Yuusuf Dabageed wuxuu Ra’iisul Wasaarahaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay iuu siduu doono isaga maamulanayo guddiga doorashooyinka heer Fedaraal, islamarkaana uu ku xad gubay nidaamka dowladninada dalka.

“Roobloow waxaad doorashooyinkii Xamar ka dhacay aad ka sameysatay oo xishood darada ahaa waa la wada ogyahay, kursig HOP 086, waxaad ku haysata dulmi, cadaaladda daro iyo Qabiil, sababto ah habraacyadii sharciga ahaa wuu soo maray kursiga oo waxaa dooratay 101 ruux oo beesha kursiga iska leh ah, waxaana ku tartamay laba ruux, madaxda Hirshabeelle ayaana marqaati ka ah”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in RW Rooble uusan ka hadlin doorashooyinkii ka dhacay Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay inay qaarkood ahayeen kuwa aanan loo marin habraacii saxda ahaa ee doorashooyinka, balse uu diiday kursiga HOP#086 oo uu habraacisa doorashada dhameystiran yahay.

“Rooble waa shaqsi haatan ay ku cusub tahay marxaladahii qabiilka ee laga soo gudbay, waxaan leeyahay waxaasi waa laga soo gudbay ee haku mashquulin, Galmudug iyagoo dhexdooda dagaalamaya inaad ciidan iyo hub u geyso oo Geel u qasho, Baledweynana oo habeen kasta Hoobiyeyaal Shabaab kusoo tuuran ciidankii la geeyay aad tiri halaga soo celiyo, wax la qaadan karo maahan” ayuu yiri Dabageed.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya, xili Guddiga FEIT ay xalay shaaciyeen inay fasaxeen kuraas labo ah oo ka mid ahaa afar kursi oo ay hore u sheegeen in doorashadooda lagu laabanayo, iyadoo Guddiga aysan marnaba soo hadal qaadin Kursigii uu Fahad Yaasiin kasoo qaatay Magaalada Beledweyne ee uu sumadiisu ahaa HOP#086.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post