1173 Views

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa Maanta waxaa uu wadahadallo miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood,waxaana ay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi

 

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya,waxaana gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaas oo la Magac baxay Hiil Walaal,isla markaana ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaa

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment