915 Views

Mahdi Guuleed oo sharxay xukunka Maxkamadda ICJ

Mahdi Guuleed oo sharxay xukunka Maxkamadda ICJ
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 13, 2021

 Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa shalay Soomaaliya iyo Kenya u kala qaybisay dhul badeedkii inta muddada ah uu muranku ka taagnaa, ayada oo inta badan siisay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dawladdu waa ay soo dhoweeyeen go’aankaas, halka madaxweynaha Kenya uu ku gacan seeray.

Dhinaca kale, Xaakimka Soomaalida ah ee Maxkamadda Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa isagu maxkamadda ku diiday sida ay ujeexday xarriiqa cusub. Sidoo kale waxa uu diiday “sigib-tirka” ay samaysay maxkamaddu iyo weliba sida ay u jeexday xarriiqa kala qaybaha qaybta EEZ iyo qalfoof-qaaradeedka labadaba.

Xaakim Cabdulqawi waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas maxkamaddu qaadday ka leexday nidaamii sharciga, islamarkaana dib u qaabayn garsoor ku samaysay juquraafiga. Waxaa qoraalka Cabdulqawi Axmed Yusuf ka muuqday inuu aad uga soo horjeeday go’aamadaa soo ay u codeeyeen inta badan garsoorayaasha maxkamadda.

Haddaba sidee ayaa dawladda Soomaaliya u fasirtay go’aanka ay gaadhay Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Haauun Macruuf uu weydiiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminayey wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post