240 Views

Baaq Nabadeed oo loo diray beelo ku dagaallamay Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Cadale

Baaq Nabadeed oo loo diray beelo ku dagaallamay Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Cadale
____________________________________________________________________________

.

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Waxa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelahii dhawaan ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Baaqyadaasi kuwii ugu dambeeyay waxay ka yimaadeen ururrada bulshada rayidka oo ka codsaday dawladda federaalka, maamul goboleedka Hirshabeele iyo odayaasha dhaqankaba in loo istaago daminta colaadda ka aloosan degmada Cadale.

Ku dhawaad sodon qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday gobolka Shabeelada Dhexe todobaadkan.

Wasiirka Arimaha Dibu heshiisiinta maamulka Hirshabeele Cabdillaahi Cadde oo waraysi siiyay weriyaha BBC-da ayaa sheegay in hadda lagu baxay joojinta dagaalada ku soo laablaabtay nawaaxiga degmada Cadale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post