1701 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaalkii 4-Aad Ugu Ambabaxayo Dalka Qatar

Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaalkii 4-Aad Ugu Ambabaxayo Dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 26, 2019 –Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inay berrito Kulan Rasmi ah ku yeeshaan caasimadda dalkaasi ee Dooxa.

Twitter-ka Wakaalladda Wararka Qatar ee Qatar News Ageency ayaa lagu sheegay in  Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo berrito kulan ku yeelan doonaan Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla magaalladda Dooxa.

Kulankaasi ayaa la sheegay inay Labada Hoggamaiye  kaga wada xaajoon doonaan xiriirka wadajirka ee labada Dowladood iyo sidii loo sii xaqiijin lahaa Iskaashiga Qatar iyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashadda la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar ayaa noqon doonta Socdaalkii 4-aad ee uu ku tago dalkaasi o oka mid ah dalalka dhaqaalaha badan ku taageera DFS.

Madaxwyene Framaajo waxa uu horey dalkaasi u booqday 3 jeer tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkii 2017-kii.

 

Xigasho:@QNAEnglish

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment