504 Views

Gudoomiye Madaale oo ka hadlay Xaalada Goobihii laga saaray Alshabaab

Gudoomiye Madaale oo ka hadlay Xaalada Goobihii laga saaray Alshabaab
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamada Difaaca Shacabka kula hadlay Deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqa Muqdisho oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u jooga dar-dargelinta Howlgallada Sifeynta Alshabaab , ayaa shacabka Nuur-Dugle iyo Ciidamada Difaaca ku amaanay sida ay u garab istaageen Ciidamada Qaranka iyo doorka ay ka qaateen in ay iska dulqaadaan Kooxaha Alshabaab.

“Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Alshabaab aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco, sidoo kale waxaa la idin ka rabaa in Ciidamada Qaranka iyo Shacabka kale lagu garab siiyo sidii haraadiga Al-shabaab  loogu sifeyn lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolka iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xusay in deegaanada laga sifeeyay Alshabaab  sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaarsiin doonno adeegyadda aasaasiga, si bulshada ay u helaan Caafimaad, Waxbarasho iyo adeegyada kale ee Muhiimka ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post