603 Views

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Qaar ka tmid ah madaxda dalalka Afrika ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia, halkaasi oo maanta uu ka furmayo shir madaxeed ay yeellanayaan madaxda Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda gaartay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Waa markii u horreysay ee Addis Ababa ay marti-galinayso shirka Midowga Afrika tan iyo markii dagaalku Ethiopia ka bilowday.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxyaabaha sanadkaan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah, dib u habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Sidoo kale Ajendeyaasha miiska saran ee madaxda Afrika ay ka doodi doonaan waxaa ka mid ah, afgambiyada militari ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post